ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA, M.Ugas, PhD

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA
M.Ugas, PhD
May 29, 2018.


Qaybta 1aad:

Markaan akhriyey qoraallo badan oo dadka u dhuunduleela Ethiopia ay qoreen; markaan u kuur galay damaaciga Reer Galbeedku kaga jirto Ethiopia in ay sii ahaato mid, isla markaana ay tusaale uga dhigaan qaaradda Africa; markaan milicsaday dareenka shucuubta Ethiopia eek u wajahan baahida ay u qabaan dowlad cadaalad ah; markaan arkay kacdoonka iyo dareenka shacabka Oromo ee aan heerkaas gaadhin taniyo intii uu Menelik ka qabsaday magaaladii la odhan jiray Finfine, ee loo bixiyey Addis Ababa isla markaana laga dhisay isbitaalkii, bangigii, iyo tareenkii ugu horreeyey, waxaan arkay in ay saddex isbeddel mid uun ka dhici doono Ethiopia, ama saddexdduba iyaga oo isdaba yaalla ka dhici doonaan.

Intaanan abla-ablaynin saddexdaas ifafaalo ama scenario, waxaan ku hormarayaa in aan wax ka sheego dhacdooyinkii iyo marxaladihii ugu waaweynaa ee ka dhacay Ethiopia illaa iyo intii ay qabsadeen EPRDF, tabarta iyo tayada uu leeyahay Raysalwasaaraha cusub ee Ethiopia, carqaladaha ama challenges hoortaagan oo la rabo in uu ka gudbo iyo howlgalaka degdega ah ee ay tahay in uu qabto saddexda bilood ee soo socota.

Dhacdooyinkii iyo Marxaladihii Ugu Waaweynaa Intii Kadanbeysay 1991:

Laga billaabo 1991 illaa iyo 1993 Ethiopia waxay ku jirtay xilli kala guur ah, oo dalku uusan lahayn dowlad, laakiinse degma walba uu ka taliyo Guddi Nabadgalo, oo loo yaqaannay “Salaamina Ma-ragaagaad”. Waxaa lagu dhaqmayey Dastuur Kumeel Gaad ah (Transitional Charter). Xilligaas waxaa lagu xusuustaa, TPLF oo ugu xoogweyneeyd gaashaanbuurta EPRDF waxay markiiba dagaal ku qaadday ururradii la soo halgamay dowladdii Dergiga ee Mengist Hailemariam, ee ay ka mid ahaayeen ururkii Amxaarada iyo ururradii Oromada ee IFLO iyo OLF. Ujeedaduna waxay ahayd waxay ka cabsanayeen in ay uga xog bataan doorashada dhici doonta, waxaana fikirkaas watay Reer Galbeedka oo aamminsannaa in la tijaabiyo fikirka EPRDF ee demoqraadiyada cusub.

Dolwad kala guur ah ayaa la dhistay 1993 oo shaqeeysay illaa iyo 1995. Dastuurkiina waa la qoray, oo waa laga guuray dastuurkii kumeel gaadhaka ahaa, hasa yeeshe sharci ahaan lama ansixnnin oo afti loogama qaadin shacabka, sida caanka ah. Xilligaas waxaa lagu xusuustaa degaalkii lagu qaaday Sh.Ibrahim Cabdalla ee ay ku dhinteen 72 shacab ahi magaalada Wardheer, isla markaana waxaa la dilay Duqii Magaalada iyo Kuxigeenkiisi ee Godey, Qabridaharre, Garbo iyo Qbribayax.  Waxaa loo soo diray 12 guddi oo la talin ah maamulkii cusbaa ee Godey oo faragalin toos ah ku sameeyey maamulka iyaga oo wax walba oo ay soo jeediyaanna intii la aqbalo diiday haddana, oo ujeeddadoodu ahayd in lagu soo wareejiyo shaqaalihii dowladda ee Axmaarada ee laga soo baro bixiyey kililka Oromada. Waxaa weerar lagu qaaday xubno ONLF oo ku jiray baarlammaankii kililka oo loo diray wadahadal Addis Ababa illaa iyo haddana la la’yahay. Wuxuu baarlammaanku Jigjiga ku go’aansaday in dadka Afti madax bannaani ah laga qaado, mar haddii ay Ethiopia diidday in ay la hadasho maamulka kililka. Iyada oo ay qulqulladaas oo dhan ay EPRDF abuurtay, ayey weerar cad ku qaadeen xafiisyadii ONLF, kadibana ONLF halkaas ayey duurka ku gashay, walina ugu jirtaa. Waxaa illaahay mahaddii ah haddii aan dhacdooyinkaasi sidaas u kala horreeyaan, oo iyaga oo saacad saacad u qoran aan hayno.

Ethiopia waxay degaal la gashay Eretrea 1998 halkaas oo ay ku dhinteen wax ka badan 70 kun oo askari, oo 5 kun oo ka mid ah aay ahaayeen Soomaali. Waxaana ku xigay doorashooyinkii been abuurka ahaa ee sanadkii 2000 iyo dilkii Abbaandullihii ciidamada TPLF isla markaana noqday Wasiirka Sirdoonka iyo Amniga Ethiopia Kinfe Gebremedhin.
2005 waxaa lagu magacaaba xilligii Tijaabada Dimoqraadiyadda Ethiopia oo ay doorashooyinka ku guulaysteen kuraasta baarlammaanka EPRDF oo ka kooban afar urur 59%; Coalition for Democracy (CUD) oo ka kooban afar urur oo xulufadii Amxaaro ah 20%; United Ethiopia Democratic Forces oo ka kooban shan urur oo isugu jira Oromo, Amxaaro, Sidamo iyo shucuubta Konfureed 10%. Somali People’s Democratic Party (SPDP) 4%, iyo qowmiyadihii kale oo ku guuleystay 7%. Waxaa EPRDF ku billowday qulqulad cusub, oo ay ururadaasi gilgileen, wuxuuna Meles Zenawi billaabay xidhxidhid iyo cabbudhin, waayo qowmiyadaha Ethiopia ee kale, markay heleen 41% oo kuraas ah, haddii ay OPDO iyo ANDM oo ka mid ah gaashaanbuurta EPRDF ke halaan coda ka yar 19% waxay yeelan karaan aqlabiyad, waana taas midda uu ka hortageyey.

ahaatee raga mid ah TPLF oo awalba saluugsanaa sida loo galay iyo sida looga baxay degaalkii Eritrea Ayaan isku dayey in ay TPLF u soo jeediyaan talooyin cusub.   Meles Zenawi wuxuu markiiba kala baxay naasnuujintii dhaqaale iyo maalgalintii uu ku sameyn jiray xubnaha TPLF ee dhaqaale boobka ah. Muran badan kabacdi waxay TPLF gaadhay in ay laba u kala jabot. 15 nin oo TPLF ah ayaa laga dhigay wax la dilo, wax la eryo iyo wax xabsiga la dhigo. Sanadkii 2010, ayey ahayd markii ay wiiqantay tabarta iyo midnimada TPLF. Waxaana markiiba billaabmay abaabul Oromadii ku jirtay EPRDF ee OPDO.

Isla 2010, Reer Galbeedku talooyinkii ay u soo jeedinayey Meles Zenawi oo u badnaa in rag ka mid ah TPLF uu ku wareejiyo xukunka, haddii kale EPRDF way kala jabi doontaa, ayuu si toos ah u diiday, oo ku xidhay shuruud in ururrada CUD, OLF iyo ONLF loo aqoonsado ururro argagixiso ah, markaas kadib uu talada wareejiyo. Reer Galbeedkiina arrintaas way ka diideen, oo waxay dhaheen iyagu ma aysan doorannin in ay hubka qaataan ee EPRDF ayaa ka saartay waanan kaala dardaaranay, waadna qaadan weeyday. Waa lawada ogaa madax xanuunkii uu halkaas ka qaaday in uu dhiig madaxa ku furmay u dhintay.

Markii uu dhintayna waxaa si maqaar saar ah loogu dhiibay xukunka Hailemarium Desalyen. 2013 illaa iyo 2018, TPLF waxay gashay shirar  ka badan 78 oo qaar ka mid ah ay xabidi ka dhacday, waxayna u kala qaybsameen 3 kooxood oo waaweyn. Kala qaybsanaantaas oo keentay in General walba xukunka uu rabo uu rido, ayaa waxay kicisay qowmiyadihii Ethiopia oo dhan, waxayna soo gaadhay maanta meesha ay marayso  oo aynu faahfaahin doono Meesha ay ku danbeyn doonto.

TABARTA IYO TAYADA UU RAYSALWASAARAHA CUSUB LEEYAHAY:

 Wuxuu haystaa Raysalwasaaraha cusub codka shacabka ugu badan Ethiopia oo ah Oromo. Wuxuu si buuxda u haystaa taageerada Reer Galbeedka. Wuxuu ku khasasusay Sida loo xalliyo khilaafaadka ama Conflict Resolution oo aad mooddo in ay ku habboontahay Ethiopia iyo xaaladda ay maanta ku jirto. Kaaga sii darane, wuxuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo dheeraad ah oo ciidanka Sirdoonka iyo Ammaanka Ethiopia. Waxaa kale oo lagu tilmaamaa in uu leeyahay haybad ama charisma ku habboon hogaaminta. Dadkii la soo shaqeeyey oo dhan waxay sheegayaan in uu leeyahay kalsooni uu go’aan ku gaadho maanta.   

Kalsoonidaasna waxaa kuugu daliil ah, markii ay billaabmeen qulquladaha kacdoonka shacabka Oromo, waxaa shirqool ku gaadhay laba nin oo ka mid ah Sirdoonka Ethiopia oo laka yidhaahdo Addisu Bedada iyo Tesfaye Urgie oo iyaga oo la kaashanaya Jemal Abaso oo ah Maareyaha Shirkadda Waddooyinka Miyiga oo ah Oromo in ay ku afganbiyaan Madaxweynaha Oromo ee Lemma Megersa. Arrintaas waxaa kashifay oo tallaabo ka qaaday Abiy Ahmed oo markaas ahaa Guddoomiyaha OPDO.

CARQALAHA AMA CHALLENGES HORYAALLA:

Waxaa hor yaalla Raysalwasaaraha carqalado ama challenges badan, oo in si systematic ama habeysan loo kala guro mooyee, uusan tallaabo uu ku raalli galiyo shacabka iyo mucaaradka qaadi karin. Waxaana ka mid ah:

1.       Waa in uu wax ka beddelo sharcigii badnaa ee dhabarjabinta loogu talagalay dabargooynta mucaaradka, oo uu ugu horreeyo Sharciga Argagixiso la dirirka ee loo sameystay cabudhinta iyo kii hay’adaha samafalka, iyo kii saxaafadda iwm.
2.       Waa in uu tallaabo adeg ka qaado sidii loo xoreyn lahaa saxaafadda.
3.       Waa in uu tallaabo adeg ka qaado sidii loo xoreyn lahaa waaxda Sharci Ilaalinta Dalka (Judiciary System).
4.       Dib-u-dajinta barabaxaayaasha Oromo iyo Amxaaro
5.       Xal u raadinta qaanta lagu leeyahay beeraleey ka badan 17 million oo qoys oo xareyey (bankruptcy) in ay kaceen oo aysan iska bixin karin deynta lagu leeyahay ee la xidhiidha fertilizer-ka ama bacrinta lagu shubo beeraha.
6.       Xididda-u-siibista xubno badan oo TPLF ah oo ku jira ciidanka, nabadsigigga, sirdoonka, maxkamadaha, iyo arrimaha dibadda ee dalka
7.       Khilaafaadka xuduudyada shucuubta Ethiopia
8.       Xallinta mushkiladda maamulka Jigjiga iyo Liyu Police-ka
9.       Iyo raalli galinta danaha gaarka ah ee deeqbixiyaasha oo laga yaabo in midi dhinac wax u wado.

HOWGAL DEGDEG AH:

 Waa in uu ka howlgalo dhammaan mucaardaka jira dibadda intooda bandanna ah kuwa loo gafay ee lagu sameeyey xadgudubka, kana mid ahaa kuwo soo jireen ahaa EPRDF ka hor. Wadahadal kasta oo uu Raysalwasaaruhu la galo mucaaradka, wuxuu ku khasbaan in uu abuuro Reconciliation Process ama xallinta khilaafaadka mucaaradka iyo EPRDF. Waa in la sameeyo dhismo Guddi Dastuuri ah oo Doorasho oo loo dhanyahay. Waana in uu u diyaar garoobo, siduu ku sameyn lahaa gaashaanbuur cusub, oo soo safta doorashooyinka, sida OPDO iyo OLF oo inkasta oo au siqiircolow yihiin haddana ay lagama maarmaan tahay in la helo midnimo Oromo. Halkaasna waxaa laga yaabaa xisbigii Amxaaro ee ANDM ee gacanta siiyey OPDO in ay doortaan Abiy Ahmed in uu is abaabulo, oo kaashado uruurada badan ee Amxaaro ee uu hadda ugu kubka roon yahay Ginbot 7.

Qaybta 2aad

IFAFAALADA LAGA YAABO IN AY DHACDO:

Inta aanan ifafaalo ka bixinin isbeddellada laga fili karo in uu ka dhaco Ethiopia, aan wax yar faaleeyo Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga ee Ethiopia iyo raggii masuulka ka soo ahaa illaa iyo regimekii Xaylesallaase.

Waxaa hay’adda sirdoonka aasaaskiisa lahaa Colonel Warkineh Gebeyehu sanadkii 1954kii. Waxaana lagu dilay 1960 cinqilaabkii military ee lagu qaaday Xaylesallaase ee dhicisoobay. Wuxuu ahaa nin caan ah oo mar walba ku qoran Headlineka warka madaxdiisa joornaal walba. Waxaa halkii ka sii qaadaya masuuliyaddaas Colonel Belachew Jemaneh, oo isagana hayey illaa iyo xilligii Dhergiga. Isaguna wuxuu ahaa dunida iyo shacabkaba laga yaqaanno oo mar walba hortaagan hay’adah saxaafadda.

Colonel Teka Tulu ayaa xilliigii Dhergiga qabtay iyada oo hay’addii sirdoonka magaceeda loo beddelay Derg’s Standing Committee for Security Affairs. Teku wuxuu ahaa nin cod kar ah oo TV-ga iyo jaraa’idka mar walba hor taagan. Waxaa beddelay Colonel Tesfaye Wolde Selassie oo qabtay hay’addii sirdoonka oo loo beddelay magaca oo loo bixiyey Minsitry of Public Security. Colonel Testaye wuxuu caan ku ahaa wuxuu ahaa ninkii sameeyey Red Teror Argagixasadii Casaanka ahayd ee ahayd tii lagu gumaaday Eritrea, laguna soo bara bixiyey jabhaddii WSLF.

1991kii xilligii EPRDF waxaa qabsaday hay’addii sirdoonka Ethiopia oo loo bixiyey Ministry of National Intelligence and Security Servivces ninkii muddo dheer ahaa Abbaandulaha Ciidamda TPLF  Kinfe Gebremedhin, wuxuuna hayey illaa laga dilo 2001 kaddib markii ay isku khilaafeen Meles Zenawi sida loogu degdegay degaalka Eritrea isla markaana loo qaatay go’aankii Algeres. Waxaa halkii ka sii qabtay walina haya Getachew Assefa. Labadaas nin waxay kaga duwanaayeen ninmankii hore ee xilkan qabtay, lama hayo waraysi lala yeeshay, TV ay horistaageen, iyo su’aal shacbku weeydiiyey oo ay ka jawaabeen. Qof wajiyadooda garanaya ayaaban jirin. Cajiib. Tolow maxay qarsnayaan.

Waxaan ku faaleyn doonaa Qaybta 2aad ee Ifafaalada Isbeddelka Ku Iman Kara Ethiopia.

Lasoco Qaybta 2aad oo faahfaahsan. 

Comments

Qoraallo Cajiib ah

HORUMARKA KA JIRA DEEGAANKA SOOMAALIDA KU HOOS NOOL ETHIOPIA

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA. Qaybtii 3aad