ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA. Qaybtii 3aad

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA
M.Ugas, PhD
June 2, 2018.


Qaybtii 3aad: Waxaa Laga Yaabaa in uu Dhaco Degaal Sokeeye oo Lagu Kala Adkaan Doono

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA
M.Ugas, PhD
June 2, 2018.

Qaybtii 3aad: Waxaa Laga Yaabaa in uu Dhaco Degaal Sokeeye oo Lagu Kala Adkaan Doono

Waxaan Qaybtii 1aad ku soo sheegnay dhowr qodob oo gundhig u ah, Qaybtan 2aad, way fiicnaan lahayd in qofkii aan akhriyin uu soo akhriyo, waxaadna ka heli kartaa http://kacdoonkashacabka.blogspot.com Haddiise aan soo gaabiyo, waxaan ka soo faalloonnay isbeddelkii siyaasadeed ee ay keentay EPRDF iyo waxyaabihii ugu waaweynaa ee lagu xusuusto tanyi 1991; waxaan soo sheegnay tabarta iyo tayada uu leeyahay Raysalwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed; waxaan soo sheegnay carqaladaha uu ku khasban yahay in uu furfuro, iyo howlgallada degdegga ee ay tahay in uu sameeyo. Qaybtii 2aadna waxaan ifafaalo ku bixinnay in laga yaabo in ay laba xisbi oo ay kala hoggaaminayaan Oromo iyo Amxaaro ay ka dhalato, dabeedna uu yimaaddo dheeli tri wanaagsan oo u horseeda Ethiopia horumar badan, laakiinse ay Soomaalidu ka ciyaari karaan door lixaad led, oo aan toos loo faragalin Karin khayraadkeeda dabeeciga ah iyaga oo aan talo ku lahayn.

Maaddaama ay lagama maarmaan tahay in xubno badan oo TPLF ah la xididdosiibo, iyagana loo ballanqaado in aan laga aargoosaneynin, waxaa laga yaabaa in ay dib isu abaabulaan, oo ay taas liqi wayaan. Haddii ay sii deyn waayaan hoggaanka militariga, nabadsugidda iyo maxkamadaha, waxaa dhici doonta in uu dhaco gadood hubaysan oo ay horsed u yihiin Oromo.  Haddii ay OPDO iyo OLF si isku mid ah u hoggaamiyaan gadoodkaas, si dhakhso ah ayaa looga adkaan karaa TPLF. Laakiin waa lagu kala adkaan arrintaas, inksta oo dad badan ay galaafan doonto.

Waxyaabaha ku khasbi kara in aysan shacabka Tigree raacin talada inta madaxa adeg ee TPLF iyo in ay Ethiopia-weyn ka horyimaaddaan, waxaa ka mid ah:  Shacabka Tigree dhulkiisu wuu u dhisan yahay, waana landlocked oo meel kale oo ay u qaxaan malaha, oo aan ka ahayn Eritrea. Taladan TPLF ragga ay ka suurtoobi kartana waa dhowr qof oo ay ugu horreeyaan Siyum Mesfin muddo badan ahaa Wasiisrka Arrimaha Dibadda iyo Getachew Assefa oo ahaa Wasiirka Nabadsugidda iyo Ammaanka dalka laga soo billaabo 2001. Waxaa kale oo jira dhow nin oo kale, oo ay ka mid yihiin Amanuel Kiros, Derebew Demelash, Tesfaye Urgie, Addis Bedada, iyo Demelesh Gebru oo iyaga oo dhan ah taliyaal waaxyaha kala duwan ee Nabadsugidda. 

Waxaa iyadana la arkaa in xillalka laga qaado, oo xabsi la galiyo rag ay ka mid yihiin Getachew Reda oo TPLF (Tigree) ah, Bereket Simon iyo Getachew Ambaye oo ANDM (Amxaaro), iyo Siraj Fedessa oo ESPDM (Qowmiyadda Konfureed). Raggas oo dhan waa Dhexe ee EPRDF-tii hore.  
Waxaa iyaguna aan dab yar shideynin, oo dhankooda caddaystay in ay degaalka ka dhanka ah halganka kacdoonka shucuunta dhinaca TPLF ka soo saftaan koox ka tirsan sirdoonka, oo intooda badani ku sugan yihiin deegaannada Oromo iyo Soomaali. Waxaana ka mid ah:

1.       Col. Gebremedihin Gebre, Shinelle Zone Coordinator and deputy commander of Somali Special Forces
2.       Col. Fiseha, Hoggaanka sirdoonka DDSI (chief of intelligence of somali regional government, specializing particularly in Oromos and Oromia issue, also heads and supervises Fefem zone security)
3.       Col. Gitet Tesfaye , ninka u qaabilsan xuduudyada (coordinates and leads disputed borders issue and security)
4.       Major Desalegn Haddish, Babile front intelligence chief
5.       Major Abraha Sisay, heads training of mercenaries and somali recruits at Bobas training center
6.       Brigadier General Hadgu Belay, advisor to the president of Somali region on security and organizational affairs on security at regional government level
7.       Col. Gebretensae, heads and coordinates Somali militias organization Oromo mercenaries working with the TPLF officials
8.       Lieutenant Hassan Ali, former member of defense forces of Ethiopia, now commands a Liyu Police unit consisting 120 members at attacking Erer district( wereda)
9.       Captain Mohammed Ibrahim, with a unit of 120 members at Babile front( WEREDA)
10.    Sergeant Usman Mohammed, Garalencha district
11.    Sergeant Jibril Ahmed spies on Oromo militia in Gursum district, to Fafam direction
12.    Sergeant Mohamed Usman, Raqe, Meyu Muluke areas military operations
13.    Sergeant Fuad Aliyi, Chinaksen district

Waxaa iyadaba in lagu xisaabtamo, oo la ogaado, oo lagu tacsi qaato mudan, sida uu ku soo baxay Abiy Ahmed iyo ficilkii ka muuqday goobta lagu doortay, iyo sida ay u kala jabtay EPRDF oo ay TPLF ugu noqotay laangaab aan tabar lahayn. Mana aysan soo marin taariikhda Ethiopia, dood iyo go’aan qaadasho cad oo aan geed laysugu soo gabbannin oo dhex marta siyaasiyiinta Ethiopia ama Abyssiniaba dheh oo.

Marka ay billaabayeen Oromadu kacdoonka shacabkooda, raggii toos uga hor yimid kacdoonkaas ee ku edeeyey maamulka dowladda Oromia, waxaa ugu cadcaddaa Getachew Reda oo TPLF (Tigree) ah, Bereket Simon iyo Getachew Ambaye oo ANDM ( Amxaaro), iyo Siraj Fedessa oo ESPDM (Qowmiyadda Konfureed).

17 casho oo ay iriduhu u xidhnaayeen afartii xisbi ee ku midoobay EPRDF ee kala ahaa TPLF (Tigrai), OPDO (Oromo), ANDM ( Amxaaro) IYO SEPDM (Shucuubta Konfureed), waxay billaabeen in xisbiba mar loo soo jeediyo dhaliil (Gimgama), waxaana lagu billaabay ururka OPDO. Waxaa shirka ay soo jeediyeen TPLF in uu hoggaamiyo Demeke Mekonnen oo ahaa nin ay TPLF ku shaqaysto oo ahaa Guddoomiyaha Ururka Amxaarada ee ANDM. Dood dheer kabacdi, waxaa talo macquul ah soo jeediyey Raysalwasaarihii maqaarsaarka ahaa ee iscalisay. Halemarium Desalegn wuxuu soo jeediyey in uu isagu wali yahay Guddoomiyaha EPRDF oo ay sharci tahay in uu shirka EPRDF shirguddoonkiisa leeyahay, waayo wuxuu iska casilay Raysalwasaarenimada, ee wali iska uusan casilin Guddoomiyaha ururka EPRDF. Sidaas ayeyna taladu noqotay oo TPLF gabalkoodu ka dhacay.

OPDO saddex maalmood ayey socotay dhaliishiisu, iyaguna si aan horay looga barannin way ka garaabi waayeen dhaliishaas, waayo wax walba waxay jawaab uga dhigeen “shacabku xaq buu u leeyahay in la dhagaysto”, waayo dhaliisha ugu badan ayaa waxay ku saabsaneyd OPDO maxay wax uga qaban la’dahay dadka ka danbeeya kacdoonka Oromo. Xubnaha TPLF ee halkaas ka hadlayey waxay mar walba tusaale u soo qaadanayeen maamulka ka jira deegaanka Soomaalida. Rag goobtaas ka hadlayna oo ka jawaabay maamulka Soomaalidana, waxay toos u sheegeen in ay lagama maarmaan tahay in Abdi M Omar lag xoreeyo shacabka ku hoos dulman ee Soomaalida ah. Arrintaas waxay ku ahayd EPRDF-tii hore ama xubnaha TPLF argagax aan horay loo arkin, waxaana la aammusiin waayey Dr. Debretsion G/Michael oo ahaa Guddoomiyaha TPLF isla markaana ahaa Madaxweeyne Ku-Xigeenka gobolka Tigree.
Ururka Amxaarada ANDM oo ku xigayna waxay dhaliluhu socdeen hal maalin. Waxayna u badnaayeen Walkayid oo ahaa degmo Amxaaro oo horay loo siiyey gobolka Tigree, layskumana garaabin. Sidaas oo kale TPLF iyo SEPDM mid walba wax yar oo saacado ka yar ayey socotay qiimeyntoodu.

Qiimeyn ka dib waxaa billowday doorashadii Guddoomiyaha EPRDF, oo qof kasta oo loo doorto guddoomiyaha xisbiga leh kuraasta ugu badan dalka ayaa noqonaya Raysalwasaaraha Dalka. Wareeggii hore, waxay isku dayeen in ay TPLF soo sharaxdo ninka Guddoomiyaha u ah Shucuubta Konfureed, hase ahaatee iyaga dhexdooda ayaa isku diiday. Waxay soo sharaxdeen Demeke Mekonnen oo ahaa nin ay TPLF ku shaqaysto oo ahaa Guddoomiyaha Ururka Amxaarada ee ANDM ahaana maqaarsaarka TPLF ee 2aad marka laga reebo Abdi Ileey. Waxaa kale oo murashaxiin ahaa , guddoomiyaha OPDO Abiy Ahmed iyo Guddoomiyaha SEPDK Shiferaw Shegute. TPLF waxay is lahaayeen aad qolo walba waxay dooran qoladeeda, oo halkaas Oromo ku guulaysan meeyso, laakiin markii la gaadhay xilligii la guda gali lahaa codbixintii xubnaha xisbiga EPRDF ayaa waxaa murashaxnimadii ka noqday ninkii ay TPLF wadatay ee ahaa Demeke Mekonnen. Waxaa Demeke culays saaray xisbigiisa oo u sheegay in ay isagana cafiyi doonaan haddii uu maalintaas dhabar jabiyo TPLF. Waa laga aqbalay, waxayna Khasab noqotay in murashaxa seddexaad loo doorto guddoomiyihii TPLF ee loogu necbaa meesha oo ahaa   Dr. Debretsion G/Michael isla markaana ahaa Madaxweyne Ku-Xigeenka gobolka Tigree oo la ogaa in uusan wax cod ah xataa ka heleynin TPLF dhexdeeda, waayo xoog ayuu meeshaas ku soo gaadhay.

Gabagabadii iyo doorashadii waxaa codbisintii xisbigu noqday Abiy Ahmed (Oromo) oo helay  108 cod, Shiferaw Shegute (Konfurta)  oo helay 59 cod iyo Dr. Debretsion G/Michael (Tigree) oo helay 2 cod kaliya. Sidaas ayuuna wiilka Oromo ku noqday Guddoomiyaha Xisbiga EPRDF islamarkaana ah Raysalwasaaraha Dalka. 
Rag badan oo siyaasiyiin ah, isla markaana wax ka qora diplomasayada dunida waxay sheegeen in Abiy Ahmed uu ku soo baxay cod sax ah, oo loo taagsheegtay TPLF, isla markaana uu ka turjumayo kacdoonka shacabka.
Cashirka aynu halkaas kala soo dhex bixi karro waa maxay?
1.       In ay EPRDF ay hoggaamin doonto TPLF jirin hadda, jirina doonin aayaha.
2.       In ragga Meesha ku loollamaya ay ugu kubku-roonayeen kuwa ka soo jeeda Oromo, oo ay ku hanjabayeen mar walba kacdoonkii Ayaan halkii ka sii wadaynaa, Addis Ababana / Finfinne xoog baan ku qabsaneynaa.
3.       In ay siyaasiyiinta Amxaaro iyo Oromo ciyaareen door mid ah oo laguna diiday in laysku diro, waayo Amxaaro Demeke Mekonen oo Amxaar ah maysan doorannin, sababtuna wuxuu ahaa Cabdi Ileey oo kale.
4.       In shacabku kuleeyku soo wada gaadhay.
5.       Qudbaddiisii ugu horreeysayna, Raysalwasaaruhu wuxuu ku celceliyo in dib u habeyn lagu sameeynayo cidamada, sirdoonka iyo xogga ammaanka u qaabilsan oo 100% yihiin Tigree.
6.       In ay jiraan niyad jab weyn oo ku dhacay siyaasiyiinta Tigree, oo keeni kara ficil degaal, iyo carqaladeyn

Degaalkaasi inta uu socon Ayaan war loo haynin, laakiin in uu ku billaabmo ficil ka yimaadda dhanka Tigree way dhici kartaa. Waxaana laga yaabaa in haddii Oromo ku gacan seydho oo ku ballanfurto Amxaaro ay dhici karto in Amxaaro ay garbsiiso kuwa ay isu xigaan ee Tigree oo laysku yidhaahdo Xabashi.

Sida kaliya ee aysan TPLF u qaadin Karin degaal, waa shacabka Tigree oo arrintaas ka horyimaadda, wayna muuqata in ay sidaas yeeli doonaan. Dagaal aysan Tigree isku raacsaneyna, waxay noqon dhowr nin iyo dhowr general oo Tigree ah oo xanaaqay. Waxaase wali sii jirta guutadii ciidadama ee illaalinayey guriga laga maamulo Addis Abab, oo hadda si toos ah dibadda uga jooga, laguna celiyey xeryo ciidan oo u dhow Addis Ababa. Meshoodina lagu beddelay ciidamo 100,000 oo OPDO ah.




Comments

Qoraallo Cajiib ah

HORUMARKA KA JIRA DEEGAANKA SOOMAALIDA KU HOOS NOOL ETHIOPIA

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA, M.Ugas, PhD