HORUMARKA KA JIRA DEEGAANKA SOOMAALIDA KU HOOS NOOL ETHIOPIA
HORUMARKA KA JIRA
DEEGAANKA SOOMALIDA EE KU HOOS DULMAN ETHIOPIA
By: M.Ugas, PhD
QEEXID: Waa Maxay Horumar Dhaqaale?
Horumar kasta oo ka jira waddan, waxaa lagu qeexaa in uu isugu soo biyo shubanayo “sii hagaajinta heerka nolasha ee qoyska”. Taasina waa in ay ka timaaddo isticmaalka farsamooyinka cusub (New Technologies), oo laga guuro dhaqaalihii ku xidhnaa beeraha iyo xoolaha dabiiciga ah, oo loo wareego dhaqaale ku xidhan isku-dhafka warshadaha iyo dalagii beeraha iyo xoolaha. Si koobanna waxaa afka qalaad loogu odhan karaa sidan
Economic Development usually refers to the adoption of new technologies, transition from agriculture-based to industry-based economy, and general improvement in living standards.
· Bal aad ugu fiirso, ADEEGGA BULSHADA waxaa ka mid ah, isgaadhsiinta, caafimaadka, waxbarshada, biyo galinta, iyo caddaaladda.
· Bal u fiirso iyadana WAX SOO SAARKA waxaa ka mid ah, beeraha, xoolaha, macdanta, ganacsiga, iyo warshadaha,
· Bal iyadana u fiirso INFRASTRUCTURE/TASSIILAADKA WAX SOO SAARKA IYO ADDEEGA waxaa ka mid ah, korontada, waddooyinka, buundooyinka, iyo technologiyada kale.
MAXAA KA JIRA GOBOLKEENNA?
S#
|
Deegaanka Soomaalida
|
Celceliska Ethiopia
|
|
1
|
Literacy/ Dadka wax akhriya waxna qora
|
12%
|
48%
|
2
|
Diiwangalinta Grade 12
|
9%
|
52%
|
3
|
Qalin jabinta Grade 12
|
0.3%
|
43%
|
4
|
Biyo Nadiif ah dad hela
|
8%
|
28%
|
5
|
Daryeel Caafimaad
|
5%
|
34%
|
6
|
Dhaqaalaha GDP
|
>$350/Sanadkii
|
>$1,600/Sanadkii
|
7
|
Shaqaalaha Jaamicinta ee heer degmo
|
>1/degamdiiba
|
>14/degmadiiba
|
Source: Harvard University. Financial Capacity Building Package, 2016.
Wax yar oo Adeegga Bulshada ah ayaa ka jira, iskuullo, jaamacad, hal isbitaal, dhowr bukaan-socod-eegto oo waliba marka la barbardhigo gobolada kale ee Ethiopia, ay gobolka Soomaalidu aad uga hooseeyaan.
Dad ku dhow 10 million oo deggen dhul baaxaddiisu dhan tahay 300 kun oo sq.km ayaa waxay leeyihiin jid aan lahayn dayactir oo dhererkiisu dhan yahay 400km. Cajiib! Jidkaasna waxaa asal ahaan qoray Talyani.
1. Ethiopia iyada oo ka dhalisa korontada biyo, oo u dhoofisa dalal badan oo Africa ah ayuusan gobolku lahayn wax koronto ah oo joogto ah.
2. Haddii uusan lahayn koronto joogta ahna ma yeelan karo wax warshado ah, haba yaraatee.
3. Waxaan gobolka oollin wax tecknology ah oo casri ah, oo ama wax lagu beerto, ama xoolo lagu dhaqdo amaba wax lagu barto.
4. Haddii uusan oollin technology-na, dhulkii oo dihin oo dhowr million oo hectare oo la beeran karo leh, ayaan wax beero ah oo lagu baahi baxo laga kasban Karin. (Yaambo wax lagu beeray, miyaa 10 million oo qof baahi ka bixin?)
5. Isaga oo qofka eebbe u abuuray in uu noolaado, oo ku noolaado nolol xayi ah, oo ku noolaado karaamo iyo Sharaf, oo ku noolaado cabsi la’aan, ayaa aan ognahay in aan looba oggolayn noloshii ugu horreeysay.
6. Dad ka badan 90% ayey noloshoodu ka hooseeysaa heer kasta oo nolol oo addunka ka jirta, oo aan haysanin, biyo nadiif ah, caafimaad, cunto, hooy, iyo ammaan. Oo kaaga sii darane, ku nool cabsi iyo ciqaab joogta ah.
Tusaale waxaa kaaga filan dhacdadan yarta ah:
Ciidanka Liyuu-police-ka ayaa waxay isku heleen koox hubaysan oo jabhado ah duleedka magaalada Fiiq. Dhowr nin oo jabhaddii ah ayaa lagu dilay goobtii, waxaana u soo hadhay goobtii Liyuu-police-kii. Nin ka mid ah ciidanka Liyuuga oo ku jiray degaalkaa ayaa sook or istaagay walaalkii oo ku jiray ragga laga dilay jabhadda. Illeeyn baa dhiige, ilmaa ku soo istaagtay. Ninkii watay ciidanka Liyuuga ayaa arkay in ninkani u beer danqaday walaalkii. Ciidankiisii ayuu ku amray in la fikgeeyo. Kaddibana isaga oo nool oo figeeysan ayaa lagu aasay meeshii walaalkii lagu dilay. Waa hal dhacdo oo xanuun badan, kumannaan ka daran ayaa jira.
Bal ogaada in uusan horumar ka jirin gobolka horta. Waxaan aan sheegayo oo tirooyin i-tus-oo-i-taabsi ah (Facts and Figures) dib baan ka soo qori doonnaa insha allaah.
Mahadsanid ugaas
ReplyDelete