ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA, Qaybtii 2aad, M.Ugas, PhD May 30, 2018
ISBEDDELKA LAGA FILI KARO
ETHIOPIA
M.Ugas, PhD
May 30, 2018.
Qaybta 2aad:
La qabso
Waxaan Qaybtii 1aad ku soo sheegnay dhowr qodob oo gundhig
u ah, Qaybtan 2aad, way fiicnaan lahayd in qofkii aan akhriyin uu soo akhriyo,
waxaadna ka heli kartaa http://kacdoonkashacabka.blogspot.com
Haddiise aan soo gaabiyo, waxaan ka soo faalloonnay isbeddelkii siyaasadeed ee
ay keentay EPRDF iyo waxyaabihii ugu waaweynaa ee lagu xusuusto tanyi 1991;
waxaan soo sheegnay tabarta iyo tayada uu leeyahay Raysalwasaaraha cusub ee
Ethiopia Abiy Ahmed; waxaan soo sheegnay carqaladaha uu ku khasban yahay in uu
furfuro, iyo howlgallada degdegga ee ay tahay in uu sameeyo.
Haddii aan u soo noqdo, Qaybta 2aad iyo waxa laga fili
karo isbeddelka Ethiopia, aan wax yar faaleeyo Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga ee
Ethiopia iyo raggii masuulka ka soo ahaa illaa iyo regimekii Xaylesallaase.
HAY’ADAHA SIRDOONKA
IYO AMNIGA EE ETHIOPIA:
Waxaa hay’adda sirdoonka aasaaskiisa lahaa Colonel
Warkineh Gebeyehu sanadkii 1954kii. Waxaana lagu dilay 1960 cinqilaabkii
military ee lagu qaaday Xaylesallaase ee dhicisoobay. Wuxuu ahaa nin caan ah oo
mar walba ku qoran Headlineka warka madaxdiisa joornaal walba. Waxaa halkii ka
sii qaadaya masuuliyaddaas Colonel Belachew Jemaneh, oo isagana hayey illaa iyo
xilligii Dhergiga. Isaguna wuxuu ahaa dunida iyo shacabkaba laga yaqaanno oo
mar walba hortaagan hay’adah saxaafadda.
Colonel Teka Tulu ayaa xilliigii Dhergiga
qabtay iyada oo hay’addii sirdoonka magaceeda loo beddelay Derg’s Standing
Committee for Security Affairs. Teku wuxuu ahaa nin cod kar ah oo TV-ga iyo
jaraa’idka mar walba hor taagan. Waxaa beddelay Colonel Tesfaye Wolde Selassie
oo qabtay hay’addii sirdoonka oo loo beddelay magaca oo loo bixiyey Minsitry of
Public Security. Colonel Testaye wuxuu caan ku ahaa wuxuu ahaa ninkii sameeyey
Red Teror Argagixasadii Casaanka ahayd ee ahayd tii lagu gumaaday Eritrea,
laguna soo bara bixiyey jabhaddii WSLF.
1991kii xilligii EPRDF waxaa qabsaday hay’addii
sirdoonka Ethiopia oo loo bixiyey Ministry of National Intelligence and
Security Servivces ninkii muddo dheer ahaa Abbaandulaha Ciidamda TPLF Kinfe Gebremedhin, wuxuuna hayey
illaa laga dilo 2001 kaddib markii ay isku khilaafeen Meles Zenawi sida loogu
degdegay degaalka Eritrea isla markaana loo qaatay go’aankii Algeres. Waxaa
halkii ka sii qabtay walina haya Getachew Assefa. Labadaas nin waxay
kaga duwanaayeen ninmankii hore ee xilkan qabtay, lama hayo waraysi lala
yeeshay, TV ay horistaageen, iyo su’aal shacbku weeydiiyey oo ay ka jawaabeen.
Qof wajiyadooda garanaya ayaaban jirin. Cajiib. Tolow maxay qarsnayaan.
Siyaasiyiin badan oo Reer Galbeed ah waxay qoreen 2012
intii uusan dhimannin Dictatorkii Meles Zenawi, in sababta ay wax uga socon la’yihiin
EPRDF ay tahay, taladii waddanka oo loo gacan galiyey hal nin kaliya, kaas oo
ah ninka madaxda ka ah hay’adda sirdoonka dalka. Ninkaasi wuxuu masuul ka yahay
dhammaan how kasta oo ka socota deegaannada, iyo xuduudyada dibaddooda, isla
markaana budgetka dalka isaga oo aan ansixin ma socon karo. Marka Meles Zenawi
lala soo hadal qaado, in uu la hadlo mucaardaka, ama dadka xuquuqdooda
ilaaliyana wuxuu af buuxda ka dhigtay, waxaa masuul ka ah khaladkan oo dhan hay’adda
sirdoonka dalka oo si dadban isga uun u matasha. Ninka masuulka ka ah hay’adda
sirdoonka iyo amniga wuxuu dalka iyo dibaddaba ka galay dakanooyin fara badan
oo kutalagal ah, waa arrintaas sababta uu u soo horistaagi la’yahay shacabka
iyo adduunweynahaba.
IFAFAALADA 1AAD
Waxaa laga yaabaa in ay dhacdo tartan siyaasadeed oo
dhex mara qowmiyadda Oromo iyo Amxaaro. Oromo waxay gacanta ku dhigtay
masuuliyaddii ugu sarreysay dalka iyada oo ku heshay xoogga shacabka oo aan
baryo ku qaadannin. Oromo waxaa ugu waaweyn ururrada siyaasadeed ee ay
leeyihiin uruka OPDO iyo OLF. Labduba waxay leeyihiin tabar iyo talo badan oo
kala duwan iyo iimo badan.
Inkasta oo ay adegtahay sida ay u mideeyn karaan
siyaasaddooda, maaddama ay isku ahaayeen cadow lasyku soofeeyey in badan, oo
waxa takanada badan gali jiray uu ahaa OPDO oo ahaa mindida daabkeeda EPRDF ku
gummaaddo ummadda Oromo, haddana ugu danbeyn waxay ku ammaanan yihiin sida ay
shacabkeeda ugu hiliyeen iyo sida ay uga hoos baxeen EPRDF. Haddii ay arrintaas
fahamto OLF dhanka kalana ay OPDO ka garowdo in OLF ay ahaayeen dadkii ugu
horreeyey ee u kacay shacabka Oromo ee u istaagay xaqooda, laakiin ay EPRDF oo
ay ku shaqeeysanayaan OPDO ay karkaarka weeydaariyeen, Oromo waxay noqon hal ul
iyo diirkeed. Arrintaasna waxay soo billaabeen 2016, meel fiicanna way
maraysaa.
Dhinaca kale ANDM oo ahaa garab ka mid ah EPRDF oo u taagan
Amxaaro, isla markaana garab siiyey OPDO soo bixiddii Abiy Ahmed, waxay ku
khasbanyihiin in ay kasbadaan xisbiyadii kale ee Amxaaro ee mucaaradka ahaa,
intooda bandanna ay ku riyoonayeen Ethiopia Andinet mdinida Ethiopia in ay
muqaddas tahay. ANDM waxay ku khasban tahay in ay sameeyso tanaasulaad badan,
oo ay raadiso xidhiidhka qowmiyadaha kale ee badan ee Ethiopia ee isku afgarta
Af-Amxaarka kaliya.
Halkaas waxaa ka soo bixi kara laba quwadood oo
waaweyn. Dadka Ethiopia deggenna waxaa u fiican in ay dhashaan laba xisbi oo
waaweyn, oo si caddalad ah ugu tartami kara xukkunka. Hadba kii shacabka
doortana soo dhista dowladda, kii laga badayana uu noqdo xisbi mucaarad ah, oo
raadiyaha dhaliilaha dowladda si uu isagu ugu guuleysto doorashooyinka xiga.
Sidaas ayeyna dimoqraaddiyaddu ku wanaagsan tahay.
Soomaalida iyo waxa la gudboon waxaan ka dhigi doonnaa
Qaybtaha danbe, laakiin Soomalidu waxay labadaas xisbi ka dhex ciyaari karaan
door aad u weyn, waayo dhinaca ay hadba raacaan ayaa noqonaya kuwa ku guuleysta
dhismaha dowladda. Waayo qiyaasta ugu wanaagsan ee tirade dadka waxaa weeyaan Oromo
45%, Soomaali 10%, Qowmiyadaha kale ee Ethiopia 45% . Haddaba Soomaalida
arrintaasi waxay u tahay qodob ay ku gorgortami karaan, oo qolo walba ay iyagu
u telladhigtaan Soomaalida.
Inkasta oo aan gadaal ka faahdaahin doonno talada
Soomaalida iyo waxa la gudboon, haddana hal qodon oo aad iyo aad u weyn oo
addunku markhaati ka yahay ayaa ah in khayraadka dabeeciga ah ee ay ku
naalooneyso Ethiopia uu yahay midka ku jira Soomaali Galbeed kaliya. Kaas
ayeyna ku gorgortami kartaa mar walba.
Oromo waxaa u taalla howl adeg iyo in ay haddaba
billowdo in ay kasbato qowmiyadaha kale ee aan ahayn Axmaaro ee laakiin isku
afgarta Af-Amxaarka. Kuwaas oo aan qudhoodu wax jacayl ah u haynin Amxaaro,
haddana haddii Oromo ay damacdo in ay afkeeda Oromo meelmariso, oo Ethiopia uga
dhigro af laysku afgarto, ama laga uriyo arrinkaas iyo wax la mid ah, way ku
adkaan kartaa sidii ay u kasban lahaayeen qowmiyadaha kale ee Ethiopia.
Waddanku horumar badan ma gaadhi karo, haddii
Soomaalidu ku dhaganaato dhulkeeda ama oo ay ku khasban tahay in ay sidaas
yeesho. Ama qayb weyn oo 50% iyo ka badan ah ha la ii oggolaado in aan ka faa’iido
dhulkayga khayraadka ku jira ama lama soo saari karo, dhulka Soomaaliyeedna
lama dajin karo dad kale oo Ethiopian ah. Marka aad ay Soomaalidu sidaas u hadasho,
waxaa isku dhinac mari Ethiopiankii kale oo 90% ah. Marka laakiin laba xisbi oo
xoog badani ka jiraan dalka, hadba kii Soomaalidu raacdana uu noqon karo kan ku
guuleysta dowladda, markaa khayraadkeenna dabeeciga ah laguma saqajaami karo,
innaga oo aan wax badan ku yeelannin.
Waxaas dhami waxay jiri karaan haddii ay si caddalad ah
dowladdu u maamusho dalka, isla markaana la dhiso maxkamado ka madaxbannaan
dowladda, iyo guddi xor ah oo tiro koob iyo doorashooyin.
La soco
ifafaalooyinka danbe iyo
Qaybta 3aad.
Comments
Post a Comment