SIYAASADDA ETHIOPIA EE MAANTA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED KACDOONKOODA

SIYAASADDA ETHIOPIA EE MAANTA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED KACDOONKOODA
Maxamud Ugas, PhD
(Magac urur siyaasadeed kuma hadlayo ee magacayga oo Soomaali ah)


1.       Isbeddelka uu keeni karo PM cusub ee Ethiopia:
2.       Kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos nool Ethiopia:
3.       Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos nool Ethiopia:

1.        ISBEDDELKA UU KEENI KARO PM CUSUB EE ETHIOPIA:

Dowlad xalaal (Legitimate) ahi kama aysan jirin Ethiopia. Sababta ugu weynina waa doorasho xalaal ahi kama aysan dhici jirin. Waayo Tigree ayaa xukunka xoog ku haystay, reer Galbeedkuna tijaabo ahaan ayey raali uga ahaayeen in ay gacan ku siyaan doorshooyin xalaal ahi in aysan dhicin, si loo tijaabiyo timoqraadiyadda dhoofka ku timid.

Taasina waxay socon weyday 2005 wixii ka danbeeyey, markii TPLF u kala jabtay labo meelood, ee uu Meles noqday dictator cusub. Markaad akhrido

Markaad akhrido digniinnaha Genecide Watch ay leeyihiin Tigree gumaad baa lagu sameyn doonaa; Markaad akhrido gacanta cusub ee Reer Galbeedku rabaan in ay marlabaad abuuraan kalsoonida shacabka Ethiopia ay isugu keeni lahaayeen; Markaad aragto xaqiiqada tirada Oromo oo ah dadka ugu badan ee Ethiopia iyo iyaga oo aan ka cabsaneynin in doorasho sax ahi dhacdo; isbeddelka uu sameyn karo ama laga fili karo PM cusub ee Ethiopia waxay ku xidhan tahay, in afradda TPLF ee ku haddhay ciidamada la galiyo kalsooni in aan laga argoosan doonin, iyaguna ay aqballaan, isla markaana PM Aby uu qaato kalsoonida shacabka Oromo ee u bisil in ay isbeddel sameeyaan. Dhammaan dunida jecel midnimada Ethiopiana taas way soo dhoweynayaaan. Haddii TPLF xubnaha yar ee ku soo hadhay ay arrintaas fahmi waayaan, iyaga ayey u daran tahay, isbeddelna Ethiopia wuu ka dhici, wuuse daahi, dhib baddna laysu geeysan doonaa.

2.       KACDOONKA SHACABKA SOOMAALIYEED EE KU HOOS NOOL ETHIOPIA:

Haddii aad akhrido taariikhda dowlado badan oo isbeddel ka dhashay, intooda badan waxay ka dhashaan kacdoonka shacabka. Shacabka Soomaaliyeed waxay 28kii sano ee la soo dhaafay soomareen in la dullaysto, oo wax walba oo damiirku qaadan karin lagula dhaco. Sabab kasta ha ugu wacnaatee, waxay u dulqaateen wax badan oo aan qofkii islaam ahi ama damiir lihi u dul qaadan karin. Laakiin maanta ma marayso halkaas.

Shacabku wuu dhiidhiiyey, mana soo noqonayo illaa ay xoqooda helaan. Haba yaraatee shacabka kacay kuma aysan kicin wax siyaasad ah oo hoggaamisay ama jahaysay, kumana aysan kicin rabitaan isbeddel dhayal dhayal ah. Waxay ku kaceen in ay ka dhiidhiyaan gumaysiga iayaga isugu dhiibay qoriga ee dulmiyey.

In ay Ethiopia fuliso rabitaanka shacabka, waxay mari doonaa marxalado badan, waxayna ku xidhan tahay sida ay u muujiyaan in ay yihiin ul-iyo-diirkeed oo kaliya. Mar walba cadowgu haddii uu ka helo goldaloollooyin ay ku kala qaybqaybin karaan shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos nool Ethiopia, biyo u kabban mahayaan, waayo murtidii Abwaan Dhoodaan AHU ayaa inagaga filan "Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin u jeeda, hurduu ku tallaaliye ileyn toos ku odhan maayo"

3.       MAXAA LA GUDBOON SHACABKA SOOMAALIYEED EE KU HOOS NOOL ETHIOPIA:

Maanta shalay ma aha!
Waxaa la gudboon shacaka Soomaaliyeed ee ku hoos nool Ethiopia arrimahan soo socda:
1. Shacabku isaga oo eebbe talo saaranaya yeeysan magac ka hooseeya Soomaali qaadannin
2. In aysan xaqirin halgammadii ka soo horjeeday gumaysiga ee soo jiray ee waligood diiddannaa dulmiga.
3. In aysan oggollaannin in loo kala qaybiyo qabiil-qabiil
4. In aysan oggollaannin la wada hadashiiyo maamulka dad-cunka ah ee gabbalkiisu dhacay ee ka jira Jigjiga
5. In ay ogaadaan in ay shacab yihiin, aynana lagama maarmaan tahay in ay helaan haykal siyaasadeed iyo cid hoggaamisa marka ugu danbeysa
6. Haddii isbeddel dhab ah laga helo Ethiopia, in shacabku isgaliyo sidii ay ku meel marsan lahaayeen riyadoodii waligood ay ku riyoon jireen, ee ahayd xorriyadda, taasoo mari doonta marxalo fara badan, xilli kasta ha qaadatee.
7. Macnaha xorriyad ma aha calan la sudho iyo gooni isu-taag kaliya; ee waa process(dariiq) sida geedka u baxa, oo ka billaabma isku tashi, ismaamul, tabaraysi, hanaqaad, iyo in shacabku gaadho in uu codkiisa ku gaadhi karo xorriyad
8. Shacabku yuusan ku qancin in la beddelo maamulka dad cunka ah ee Jigjiga, ee waa ay raadsadaan dhammaan wixii ay Ethiopia xaq ugu leeyihiin oo dhan.
9. Ha layska ilaaliyo aflagaaddada, iyo dakanada la kala galayo, ha ugu yaraato faallo yar oo aad ku durto qof si wax u yidhi adna aad si u fahamtaye.
10. Ha loo turjumo qofkasta oo kacdoonkan taageersan in uu yahay halyeey, qofkaasina waa in uu iska ilaaliyo in uu la kala safto wixii loolan siyaasadeed kuwada jira. Waayo taasi ayey rabaan in cadowgu inagu kala qaybiyo mar kale. Markase ay arkaan cadowgu in ummadda Soomaaliyeed ee dulmani isku jaho wax u wadaan, meel ay inaga soo kala galaan ma jiri doonto.
Urur siyaasadeed magacii kuma hadlayo habayaraatee, waa aragtideyda Soomaalinimo.



Comments

Qoraallo Cajiib ah

HORUMARKA KA JIRA DEEGAANKA SOOMAALIDA KU HOOS NOOL ETHIOPIA

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA. Qaybtii 3aad

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA, M.Ugas, PhD