OGEYSIIS AAD MUHIIM U AH OO KU SOCDA JAHLIYADAHA SOOMAALIDA REER OAGENIYA

Ogeysiis



Innaga oo ka amba qaadayna murtda Soomaalida ee ku fadhida cilmiga iyo caqliga ee sheegeysay "War la helaa, talo la helaa", waxaan soo daraasaynay shacab badan oo adduunka inooga horreeyey oo u soo halgamay xorriyadooda, iyo tallaabooyin inta badan isku mid ah oo ay soo wada mareen.

Halkan kuma soo koobi karro taariikhdaas dheer, illowse, waxa ka khuseya ogeysiiskan muhiimka ah ayaan ka sheegeynaa. Marka uu soo dhowyahay ifka xorriyaddu, dadku waxay u kala bixi jireen bur iyo biyo ama (halyeey iyo nacab).

Maxaa la arki jiray qofka HAYEEYGA ah, in haddii uu halgaad ku soo soo dhuftay halganka, marka ifka-xorriyaddu soo baxdo, uu dalbado cafis, kana garaabo wixii uu mooday in uu sax ahaa, isla markaana si hiil iyo hooba leh u garab istaago ifkaa cusub ee xorriyadda.

Dhanka kale, waxaa la arki jiray kii awalba NACAB ahaa, ee ay waliba u dheereyd doqonimo, in haddii uu garto in if-xorriyadeed soo socotana, uu illoobo nacabnimadiisii, oo isaga oo aan cidna cafis weeydiisannin dalaq soo yidhaahdo; haddii alle garansiin waayana uu degaalkii uu cadowga la safnaa halkii kala safnaado, oo aflagaaddo iyo caay dabada hayo.

Halgammada helay ee hantay xorriyadooda qodob ay ku dhaqmi jireen, ayuu ogeysiiskani ku saabsan yahay.

1. Wixii hore ee dhacay buugga uu ku qorraa way xidhi jireen, samaan iyo xumaan wuxuu ahaaba. Waxaa dib loogu dhigi jiray marka ay caddaalad taabbaqaaddo, in qofkii qof kale ka tirsanaya xaqdarro in uu maxkamadda horteeda furto, oo labadiiba si caddaalad ah loogu garqaado.
2. Waxay furi jireen buug cusub oo hor leh, marka ifka xorriyaddu soo baxdo, sida hadda inoo muuqata. Afar bog ayuu lahaan jiray buugaasi. Bog Madow, Bog Cad iyo Bog Dahabi ah.
(a) Bogga Madow waxaa si hore leh loogu diiwaan galin jiray NACABKA aan kor ku soo sheegnay, oo isaga oo uu soo baxay Ifkii Xorriyaddu wali la taagan been iyo dacaayad raqiis ah.
(b) Bogga Hurruudda ah, waxaa lagu diiwaan galin jiray, qofkii isaga oo soo galay dakano, haddana la arko isaga oo halganka dhex taagan oo taageeraya uun marka uu ifka xorriyaddu soo baxo, isaga oo aan cafis gaar ah sameynin.
(c) Bogga Cad waxaa lagu diiwaangalin jiray HALYEYGA is garta ee la yimaadda cafiska ee billaaba dadaal hore le oo uu la garab istaago halganka. Nooca cafisku wuxuu noqon karaa, isaga oo sheega in uu khalad ahaa in uu ka maqnaado halganka, laakiinse uu hadda ka mid yahay.
(c) Bogga Dahabiga ah waxaa lagu diiwaan galin jiray intii kale ee dakananna aan galin, mar walbana hiil iyo hooba la garab taagneyd halganka, iyo HALYEEYKA is daba qabta ee markaas is muujiya in uu la imaanayo dadaal dheeraad ah.

Waxaa la ogeysiinayaa jahliyadaha Soomaalida Ogaeniya iyo inta jecel xorriyadda in ay saddexdaas buug furaan, waayo waa meesha loo noqon doono. Qofkii aan hadda u teella dhigannin XORRIYADDA waa in uu galaa buugaas....! Waxay yarayn doontaa caddaalad darrada, waxaana dadka Soomaaliyeed la siin doonaa qaar badan oo ka mid ah abaalmarinno taariikhda gala. Miyaad u maleyn in Sheekh Deeq iyo nin aan garan in uu isku billad qaadan ama isku buug ku qormi? Waa Maya. 

Comments

Qoraallo Cajiib ah

HORUMARKA KA JIRA DEEGAANKA SOOMAALIDA KU HOOS NOOL ETHIOPIA

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA. Qaybtii 3aad

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA, M.Ugas, PhD