Posts

Showing posts from May, 2018

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA, Qaybtii 2aad, M.Ugas, PhD May 30, 2018

Image
ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA M.Ugas, PhD May 30, 2018. Qaybta 2aad: La qabso Waxaan Qaybtii 1aad ku soo sheegnay dhowr qodob oo gundhig u ah, Qaybtan 2aad, way fiicnaan lahayd in qofkii aan akhriyin uu soo akhriyo, waxaadna ka heli kartaa http://kacdoonkashacabka.blogspot.com Haddiise aan soo gaabiyo, waxaan ka soo faalloonnay isbeddelkii siyaasadeed ee ay keentay EPRDF iyo waxyaabihii ugu waaweynaa ee lagu xusuusto tanyi 1991; waxaan soo sheegnay tabarta iyo tayada uu leeyahay Raysalwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed; waxaan soo sheegnay carqaladaha uu ku khasban yahay in uu furfuro, iyo howlgallada degdegga ee ay tahay in uu sameeyo. Haddii aan u soo noqdo, Qaybta 2aad iyo waxa laga fili karo isbeddelka Ethiopia, aan wax yar faaleeyo Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga ee Ethiopia iyo raggii masuulka ka soo ahaa illaa iyo regimekii Xaylesallaase. HAY’ADAHA SIRDOONKA IYO AMNIGA EE ETHIOPIA: Waxaa hay’adda sirdoonka aasaaskiisa lahaa Colonel Warkineh...

ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA, M.Ugas, PhD

Image
ISBEDDELKA LAGA FILI KARO ETHIOPIA M.Ugas, PhD May 29, 2018. Qaybta 1aad: Markaan akhriyey qoraallo badan oo dadka u dhuunduleela Ethiopia ay qoreen; markaan u kuur galay damaaciga Reer Galbeedku kaga jirto Ethiopia in ay sii ahaato mid, isla markaana ay tusaale uga dhigaan qaaradda Africa; markaan milicsaday dareenka shucuubta Ethiopia eek u wajahan baahida ay u qabaan dowlad cadaalad ah; markaan arkay kacdoonka iyo dareenka shacabka Oromo ee aan heerkaas gaadhin taniyo intii uu Menelik ka qabsaday magaaladii la odhan jiray Finfine, ee loo bixiyey Addis Ababa isla markaana laga dhisay isbitaalkii, bangigii, iyo tareenkii ugu horreeyey, waxaan arkay in ay saddex isbeddel mid uun ka dhici doono Ethiopia, ama saddexdduba iyaga oo isdaba yaalla ka dhici doonaan. Intaanan abla-ablaynin saddexdaas ifafaalo ama scenario, waxaan ku hormarayaa in aan wax ka sheego dhacdooyinkii iyo marxaladihii ugu waaweynaa ee ka dhacay Ethiopia illaa iyo intii ay qabsadeen EPRDF, tabarta...

HORUMARKA KA JIRA DEEGAANKA SOOMAALIDA KU HOOS NOOL ETHIOPIA

Image
HORUMARKA KA JIRA DEEGAANKA SOOMALIDA EE KU HOOS DULMAN ETHIOPIA By: M.Ugas, PhD Q EEXID: Waa Maxay Horumar Dhaqaale ? Horumar kasta oo ka jira waddan, waxaa lagu qeexaa in uu isugu soo biyo shubanayo “ sii hagaajinta heerka nolasha ee qoyska” . Taasina waa in ay ka timaaddo isticmaalka farsamooyinka cusub (New Technologies), oo laga guuro dhaqaalihii ku xidhnaa beeraha iyo xoolaha dabiiciga ah, oo loo wareego dhaqaale ku xidhan isku-dhafka warshadaha iyo dalagii beeraha iyo xoolaha. Si koobanna waxaa afka qalaad loogu odhan karaa sidan Economic Development  usually refers to the adoption of new technologies, transition from agriculture-based to industry-based  economy , and general improvement in living standards. ·        Bal aad ugu fiirso, ADEEGGA BULSHADA waxaa ka mid ah, isgaadhsiinta, caafimaadka, waxbarshada, biyo galinta, iyo caddaaladda. ·        Bal u fiirso iyadana WAX SOO SAAR...

Tigrai Genocide By Genocide Watch

Gummaadka ku iman kara shacabka Tigrai, waxaa saadaalinaya Dr. Gregory oo ah Madaxweynaha Geneocide Watch imminent Genocide to Tigrai People by Dr. Gregory https://www.facebook.com/oilrichogaden/videos/1816653528549802/

Ethiopia Anti-Terrorist Law: A Tool to Stifle Disent

ETHIOPIA’S ANTI-TERRORISM LAW: A TOOL TO STIFLE DISSENT. The government of Ethiopia routinely uses its vague and overly broad anti-terrorism law to stifle freedom of expression and political opposition. This is the conclusion reached by the United Nations, the world’s leading democracies, international human rights organizations, and numerous other groups. This report compiles and elaborates on the extensive factual and legal findings of the law’s critics, as well as the Ethiopian government’s misuse of the law. The conclusions these critics have reached are both inescapable and correct: the flawed anti-terrorism law must be revised and its misuse by the government stopped. This research was published by The Oakland Institute in California, USA which is an independent policy think tank bringing fresh ideas and bold action to the most pressing social, economic, and environmental issues in collaboration with The Environmental Defender Law Center (EDLC) in MT, USA. EDLC work...

SIYAASADDA ETHIOPIA EE MAANTA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED KACDOONKOODA

Image
SIYAASADDA ETHIOPIA EE MAANTA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED KACDOONKOODA Maxamud Ugas, PhD (Magac urur siyaasadeed kuma hadlayo ee magacayga oo Soomaali ah) 1.        Isbeddelka uu keeni karo PM cusub ee Ethiopia: 2.        Kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos nool Ethiopia: 3.        Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos nool Ethiopia: 1.         ISBEDDELKA UU KEENI KARO PM CUSUB EE ETHIOPIA: Dowlad xalaal (Legitimate) ahi kama aysan jirin Ethiopia. Sababta ugu weynina waa doorasho xalaal ahi kama aysan dhici jirin. Waayo Tigree ayaa xukunka xoog ku haystay, reer Galbeedkuna tijaabo ahaan ayey raali uga ahaayeen in ay gacan ku siyaan doorshooyin xalaal ahi in aysan dhicin, si loo tijaabiyo timoqraadiyadda dhoofka ku timid. Taasina waxay socon weyday 2005 wixii ka danbeeyey, markii TPLF u kala jabtay labo meelood, ee uu M...